Madaxweynaha Soomaaliya Oo Soo Xiray Tartanka Quraanka Kariimka Ee Bisha Ramadaan

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, isaga oo abaal-marinno lacageed guddoonsiiyey ardaydii ku guuleysatay kaalimaha hore ee tartanka sannadkan.

 

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey dhammaan ardaydii ka qayb-gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha hore. Waxa uu sheegay in ardaydan ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka wanaagsan ee dalka, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan barashada, xifdinta iyo faafinta Quraanka Kariimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muuqda ka siisay culimada Soomaaliyeed geeddi-socodkii dib u eegista Dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo in Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si buuxda ula jaanqaadayo shareecada Islaamka, taas oo ah aas-aaska ugu weyn ee uu ku dhisan yahay nidaamka dowladeed ee dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal-marinno lacageed guddoonsiiyey xufaadda ku guuleysatay tartanka, isaga oo ku ammaanay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey ardaydan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu ku anfaco cilmigooda, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda iyo diintooda ugu adeega.May be an image of ‎text that says "‎HUURIYADDA JURIYADDA FEDERAALKA ហាតយេយល 1+1 الفيدرالية UYADOAF EDERAALKA SOOMAALIYA JAMHUURIYADDA والشؤن الأوقاف وزارة Madowad Md, Tattanka Sanadiaho hee Heer นิวเจก 산산지1 xilam ODKI 0 daF ecerag Soomaclva Xawan Shookh Masamuud ORDER DATE 1447-2026 447- 2026 MEMO Guuleystaha Kaalinta 2aad MAXANJED M MAKAMED SHAN IYO TOBAN KUN oo DOOLAR $15,000‎"‎May be an image of one or more people, headscarf, dais and textMay be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here