Madaxweynaha Soomaaliya oo Wafdi Ka Socda Sudan Ku Qaabilay Madaxtooyada

0

MUQDISHO, 27 Agoosto 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan, General Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

 

Korneyl Mufaddal ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey dhambaal rasmi ah oo ka yimid Guddoomiyaha Golaha Kumeel Gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax Al-Burhan, kaas oo ku saabsan dib u xaqiijinta sida ay Suudaan uga go’an tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli labada dal ay sii xoojinayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo sirdoonka xili Sudan wajahayso dagaal sokeeye oo kumanaan lagu dilay.

May be an image of 3 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here