Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda Jabuuti iyo Kenya

0

ADDIS ABABA – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika, oo ka dhacay magaalada Nairobi, halkaas oo uu kulamo doceedyo kula yeeshay madaxda dalalka deriska ah.

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto.

Intii lagu guda jiray kulamadan, waxaa diiradda la saaray:

  • Xoojinta iskaashiga gobolka ee la dagaallanka argagixisada
  • Dardar-gelinta dadaallada nabadeed ee Geeska Afrika
  • Adkaynta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay Jabuuti iyo Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo xiriir wada-shaqeyn iyo iskaashi oo ay la leedahay dowladaha deriska ah si loo xaqiijiyo amni, horumar iyo deganaansho waarta.

May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here