Madaxweynaha Uganda oo doonaya in uu hoggaamiyo howlgalka AUSSOM

0

Waxaa Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda lagu soo gebo gebeeyay kulan ay isugu yimaadeen wasiiro ka soo jeeda dalalka ka qeyb qaadanaya howgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasi oo horrantii sanaddkan ka bilowday Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa laga soo saaray qodob dhowr ah oo khuseeya howlgalka AUSSOM iyo amniga guud ee dalka Soomaaliya, iyadoona la soo hadal qaaday weerarada dhowaan Al Shabaab ay u joogteeyeen Gobolka Shabeelle Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhiga Uganda, Jacob Markson oo madasha ka hadlay ayaa soo jeedayay in dalalka ku yaboohaya ciidankooda howlgalka AUSSOM ay yeeshaan hannaan dib-u-eegis isbahaysi oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni si buu yiri loo helo kormeer, isku-duwid, isla-xisaabtan, la socod iyo qiimeyn ku aaddan hirgelinta waajibaadka AUSSOM.

Wasiirka ayaa ku booriyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada, Mucaaradka iyo Odayaasha dhaqanka in ay yeesheen kulamo lagu xalinayo xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka taagan si loogu soo jeesto dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo Kooxda Al Shabaab ay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaaa xusid mudan in dhowaan ay la wareegeen gacanta degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Sh.Dhexe iyo Hiiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here