Madaxweynaha Uganda oo loo doortay hoggaamiyaha ururka Bulshada Bariga Afrika

0

Arusha, Tanzania – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku baaqay midnimo iyo isdhexgal dhaqaale oo ay yeeshaan dalalka Afrika, kadib markii loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Bulshada Bariga Afrika.

 

Museveni ayaa hadalkan jeediyay kadib shir ay hoggaamiyeyaasha ururka ku yeesheen xarunta EAC ee magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha ururka muddo hal sano ah, laga bilaabo March 2026 ilaa March 2027. Wuxuu xilka kala wareegay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay hore u wiiqeen kala qaybsanaan, hoggaan xumo iyo ku guuldarreysiga isticmaalka sayniska, arrimo uu sheegay inay sahleen gumeysigii qaaradda.

“Africa waa inay dhistaa suuq gudaha ah oo xooggan iyadoo loo marayo isdhexgal dhaqaale. Isku xirka Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda ma aha wax ikhtiyaari ah,” ayuu Museveni ku sheegay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in horumarka dhaqaale uu ka yimaado wax-soo-saar iyo suuqyo furan, isagoo xusay in suuqyada kala qaybsan ay sii kordhiyaan saboolnimada Afrika.

Madasha shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha gobolka ee ka qaybgalay kulanka.

Bulshada Bariga Afrika ayaa ka mid ah ururrada ugu muhiimsan ee iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee Bariga Afrika, waxaana xubno ka ah dalal ay ka mid yihiin Uganda, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Democratic Republic of the Congo iyo soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here