Tanzania – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qayb galayo Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sanadlaha ah ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo isku xirka bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka. Inta uu shirka socdo, Madaxweynaha Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale la yeelan doonaa kulamo doceedyo la xiriira horumarinta iskaashiga gobolka, iyadoo la filayo in madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo khuseeya Geeska Afrika.
Shir madaxeedka 25-aad ee EAC ayaa sanadkan diiradda saaraya ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin,Xoojinta iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha,Horumarinta amniga iyo nabadgelyada gobolka,Xoojinta ganacsiga iyo isku xirka bulshooyinka iyo Ka wada hadlidda arrimaha siyaasadda gobolka.
Ka qayb galka Madaxweynaha Soomaaliya ee shirka ayaa muujinaya doorka Soomaaliya ee gobolka iyo sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga dalalka deriska ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo siyaasadda.





