Madaxweyne Axmed Madoobe oo taageero wayn u muujiyay Puntland

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda Puntland.

 

Axmed Madoobe oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah.

Sidoo kale wuxuu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagan Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here