Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka War-gaadhi

0

WARGAADHI – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka War-gaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee xaq-u-dirirka u ah la dagaallanka Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha ayaa kulammo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka socda, isagoo ammaanay geesiyaasha ku sugan furimaha dagaalka iyo guulaha laga gaaray dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay oo si xoog leh loogu jabiyay Al-Shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in gulufka mideysan ee ka socda Hirshabeelle uu yahay mid lagu soo afjarayo kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, isagoona shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo, is-kaashi iyo niyad-wanaag si guusha loo dardar geliyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska geesiyaasha naftooda u huray halganka socda, isagoo ku tilmaamay inay yihiin halyeeyo mudan in lagu xasuusto taariikhda dalka.

May be an image of 7 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here