Madaxweyne Deni oo diiday casuumaadda Villa Somalia

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka horyimid ka qeyb galka Shirkada Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu wada in 1-da bisha May uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Deni ayaa diiday in uu aqbalo casuumaddan shirkan oo sidoo kale la gaarsiiyay Madaxda Maamul Goboleedyada kale ee dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Madoobe, maadaama ay xiisad kala dhexeyso dowladda dhexe.

Wuxuu si cad u sheegay in uusan qeyb gali doonin shirkan uu hoggaamin doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday ee dhaliyay khilaafka labada dhinac.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu fuliyo ballan-qaadyadii hore, kadibna ay diyaar u yihiin in xal aga gaaro is faham-waaga u dhexeeya Maamulkiisa iyo dowladda dhexe.

Shirkan uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada si looga wada hadlo khilaafaadka siyaasadeed, midnimada qaranka, iyo xoojinta dagaalka Daacish iyo Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here