GAROOWE (SMN) -Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada maamulkaas ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Gary Mackuk iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalayWasiirka Qorshaynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo La-taliye Madaxweyne.
Inta uu socday labada dhinac kulanka ayaa ka wada-hadlay dardargelinta Mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Dowladda iyo Hay’adda Care International, sida Horumarinta Waxbarashada Puntland.