Madaxweyne Deni oo Qardho kaga qeybgalay kulan lagu bogaadinayo doorka bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad

0

Qardho – Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa caawa magaalada Qardho kaga qeybgalay kulan lagu bogaadinayay doorkii ay bulshada ka qaadatay Hawlgalka Calmiskaad, kaas oo maraya marxalad gebogebo ah.

 

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiisha Hawlgalka Calmiskaad, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka Gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho, iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Puntland ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey 17 sarkaal, kuwaas oo ku takhasusay ka hortagga walxaha qarxa (EOD), isla markaana tababarkooda ku soo dhameystay kulliyada tababarka ee degmada Carmo.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay bulshada deegaanka doorkii ay ka qaateen guusha Hawlgalka Calmiskaad, isagoo xusay in wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland.

May be an image of one or more people, crowd and daisMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here