Madaxweyne Deni oo Saxiixay Sharciga La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland

0

Garoowe – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 8-dii Oktoobar 2025 si rasmi ah u saxiixay Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, kaasi oo horey uga ansaxay Baarlamaanka Puntland bishii Luulyo ee sanadkan.

 

Sharcigan ayaa awood dheeri ah siinaya hay’adaha ammaanka, waxaana uu u oggolaanayaa in ay galaan guryaha dadka looga shakiyo argagixisanimo iyaga oo aan heysan amar maxkamadeed.

Sidoo kale, waxaa lagu oggolaaday in la dhageysan karo wicitaannada taleefannada ee dad la tuhunsan yahay.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale dhigaya ciqaabo adag oo gaaraya illaa 20 sano oo xabsi ah, halka dembiyada ugu culus ay la kulmi karaan xukun dil ah.

Arrintan ayaa dhalisay dood la xiriirta sida uu sharcigu ula jaanqaadayo Dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobka 21-aad oo mamnuucaya baaritaanno aan amar maxkamadeed lahayn.

Sharcigan ayaa imanaya xilli Puntland ay wado dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here