Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray doorashada Puntland

0

ANKARA (SMN) – Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer Federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, maadaama ay tahay dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed”.

Madaxweynihii Hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Allaah uga baryey guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.

*DHAMMAAD*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here