Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaadey Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan – Daawo

0

Beledweyne — Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa maanta si rasmi ah u qaaday xilkii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, isla markaana xilkaasi u magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu dardar geliyo howlaha maamulka gobolka, la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, iyo xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka.

Sababta xilka looga qaaday Muuse Salaad Wehliye lama shaacin, hase yeeshee ilo ku dhow maamulka ayaa sheegaya in khilaaf ka dhashay arrimaha canshuuraha u dhexeeyay guddoomiyaha iyo Madaxweyne ku xigeenka gobolka uu horseeday go’aanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here