Madaxweyne hore Farmaajo oo hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal soo saaray ayaa diray hambalyo ku aadan xuska 26-ka June.

 

Farmaajo ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada dalka,sidoo kalena laga hortego colaad beeleedyada haatan kasoo cusboonaatay gobollo badan oo kamid ah dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.

Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka.

Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex.

Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here