Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulan la yeeshay safiirka Qatar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid,ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

 

Labada Masul ayaa ka wada-hadlay dardargalinta mashaaricda Qatar ay ka waddo Galmudug gaar ahaan arrimaha waxbarashada, caafimadka, biyaha iyo korontada iyo tayaynta laamaha amniga Galmudug.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageerada siiya Soomaaliya, waxayna dowladda federaalka ka caawisaa dhinacyo kala duwan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here