Dhuusamareeb, Agoosto 11 — Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada AUSSOM ee ka howlgala deegaannada maamulkaasi.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, iyo sidii loo kordhin lahaa awoodda iyo iskaashiga ka dhexeeya Ciidamada AUSSOM iyo kuwa Galmudug.
Cali Daahir Ciid ayaa kula dardaarmay saraakiisha AUSSOM in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug, kuwaasoo uu sheegay in ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isla markaana amniga Galmudug uu haatan ka wanaagsan yahay sidii hore.
Taliyaha AUSSOM ee Sector-4 ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxda Galmudug sida ay ula shaqeeyaan, wuxuuna ballan qaaday in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xasilinayo deegaannada Galmudug.
Ugu dambeyn, madaxda Galmudug iyo saraakiisha AUSSOM ayaa isla gartay in la dardar-geliyo howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo la qorsheynayo in howlgallo ballaaran ay ka bilowdaan deegaannada Galmudug maalmaha soo socda.




