Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo Kulan Amni la yeeshay Mas’uuliyiin Ka Socota Kenya

0

Mandheera – Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan muhiim ah oo amniga la xiriira kula yeeshay magaalada Mandheera ee dalka Kenya, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga ee dowladda Kenya.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta ciidamada Kenya ee Mandheera, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni ee xuduudaha labada dal, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga dhanka amniga si wax looga qabto dhacdooyinka amni-darro ee kusoo noqnoqday deegaannada xuduudka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dar-dargeliyo wada shaqeynta amni si loo sugo nabadda iyo xasilloonida, loogana hortago falalka halista ah ee saameeya shacabka labada dhinac.

Sidoo kale, kulanka ayaa gogol xaar u ah shirweyne ballaaran oo la filayo in uu dhawaan ka dhaco xadka Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo amniga guud ee xuduudaha iyo sidii loo suurtagelin lahaa nabad waarta oo dadka deegaanka ay ku naaloodaan.

Dhinaca kale, waxaa dib loo bilaabay isku socodka ardayda wax ka barata labada dhinac ee xadka, iyadoo ay socdaan wadahadallo rasmi ah oo ku saabsan furitaanka rasmiga ah ee xuduudda si loo fududeeyo isu socodka bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland iyo madaxda ka socotay dowladda Kenya ayaa muujiyay go’aan mideysan oo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dhinac, sugidda amniga, iyo taageeridda dadka ku dhaqan xuduudaha, si looga dhabeeyo nabad iyo wada noolaansho waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here