Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Qaramada Midoobay kala hadlay Xaaladda Gedo iyo Faragelinta Dowladda Federaalka

0

Gedo — Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isaga oo uga warbixiyay xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay, sida uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenku, faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin burburinta amniga, xirnaanshaha garoomada diyaaradaha, iyo hakinta mashaariicda adeegyada bulshada ee gobolka ka socday.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha deegaanka, gaar ahaan colaadaha taariikhiga ah ee ka jiray degmada Luuq. Madaxweyne ku-xigeen Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka digay halista ka imaan karta haddii aan si degdeg ah wax looga qaban xiisadda gobolka.

“Villa Soomaaliya waxay si bareer ah uga shaqeyneysaa burburinta nidaamka federaalka, waxayna meesha ka saartay dastuurkii dalka lagu heshiiyay,” ayuu yiri, isaga oo u sheegay xubnaha Qaramada Midoobay in qorshahani uu wiiqayo xasiloonida iyo wada-noolaanshaha Jubbaland.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay iyo Maamulka Jubbaland ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo dadaallada nabadeed ee degmada Luuq, iyadoo la qorsheeyay gogol nabadeed oo beelaha lagu dhexdhexaadin doono bisha October gudahooda, Qaramada Midoobayna ay ballanqaaday taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa ugu baaqay odayaasha, aqoonyahannada iyo bulshada gobolka Gedo inay si mideysan uga hortagaan faragelinta dowladda, isaga oo carabka ku adkeeyay in:

“Shakhsiyaad yar oo dano gaar ah leh aysan go’aamin karin masiirka shacabka Jubbaland.”

Kulankan ayaa imanaya xilli sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo muddo dheer uu muran siyaasadeed ka taagnaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here