Madaxweyne Laftagareen oo Daah-furay Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka bilaabatay deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo munaasabaddaasi lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan golayaasha maamulka Koonfur Galbeed, wakiillo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata shahaadada diiwaangelinta codbixiyaha, taas oo calaamad u ah bilowga rasmiga ah ee geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray shacabka Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay inay si buuxda uga qayb qaataan isdiiwaangelinta, si ay u helaan fursad ay codkooda uga dhiibtaan doorashooyinka dhici doona.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Koonfur Galbeed in ay si firfircoon uga qeyb qaataan isdiiwaangelinta, waayo waa xaq dastuuri ah oo qof kasta u leeyahay inuu codkiisa ka dhiibto mustaqbalka dalka iyo deegaan kiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyin toos ah oo dimuqraadi ah oo lagu qabto dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here