NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi ka wado kulamo uu la qaadanayo Safiirada Beesha Caalamka ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda France ufadhiya Soomaaliya Amb Arnaud Suguet.
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Arnaud Suguet ayaa iska Xog waraystay Xaalada Dalka Dhinacyada Siyaasada, Amniga, Mashaariicda Hormarineed ee Socda iyo Arimaha Bini’adanimadda iyo sidii wax looga qaban lahaa Saamaynta isbedelka Cimilada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta, Shaqada, Gargaarka iyo Agaasimaha guud Madaxtooyadda Dowladda Koonfur Galbeed.