Madaxweyne Muuse Biixi oo looga yeeray Addis Ababa iyo qorshe culus oo socda

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowaan ku wajahan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo looga yeeray, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu kulan gaar ah la qaadan doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay horraantii sanadkan 2024 wada saxiixdeen heshiiska badda oo dhaliyay xiisadda haatan taagan ee u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay labada dhinac ka wada-hadlayaan sidii loo darar-gelin lahaa heshiiska badda, xilli ay haatan meeshii ugu xumeyd gaartay xiisadda uu dhaliyay.

Si kastaba, safarka madaxweynaha Somaliland ayaa jawaab u ah socdaalka uu haatan madaxweynaha Soomaaliya ku joogo Asmara oo uu shir saddex geesood ah kula yeeshay madaxweynayaasha dalalka Eritrea iyo Masar oo ay ka arinsadeen xaaladda Geeska Afrka.

 Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here