Madaxweyne Qoor Qoor in Galmudug ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sheegay inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay dadweynaha usoo doortaan hoggaankooda.

 

Qoor Qoor ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashadaasi, si ay ugu ciil baxaan codadkooda.

“Doorasho suuq madoow ah 24-sano ayaan ku jirnay, mana kusii jiri karno ee mid toos ah ayaan qabsaneynaa” ayuu yiri madaxweyne dowlad goboleedka Galmudug.

Villa Soomaaliya ayaa hormuud u ah qorshaha qabashada doorashada qof iyo codka ah, waxaase diidan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ah ee dalka.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here