MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay isimada dhaqanka ee ka socda SSC-Khaatumo ee maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qoor Qoor ayaa isimada kala hadlay arrimo ku saabsan xiisadda Laascaanood, maadaama ay xaaladdu faraha kasii baxayso, dagaalkuna uu socdo dhowr bilood oo xiriir ah.
Kulankan oo uu goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu helaa colaadda ka taagan Laascaanood oo sababtay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac.
Sidoo kale isimada ayaa madaxweynaha Galmudug warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood iyo qorshahooda magaalada Muqdisho.
Isimada ka socda SSC oo si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada ayaa horay ula kulmay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ku qaabilay xarunta Villa Soomaaliya.
Ujeedka ayaa ah sidii ay dowladda federaalka Soomaaliya ugala hadli lahaayeen masiirka shacabka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo haatan u dagaalamaya inay ka madax bannaanaadaan Somaliland oo ay maamul ahaaan ka tirsanaayeen 15 sano.
Dowladda federaalka ayaa horay taageero ugu muujisay odayaasha dhaqanka ee Laascaanood, tan iyo markii uu kacdoonka ka billowday magaaladaasi.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa gurmad u dirtay Laasacnaood, si ay garab istaag ugu muujiso shacabka ay dhibaatada kasoo gaarta colaadaasi.
Dhaqdhaqaaqyadan ka socda Muqdisho ayaa uga sii dareysa xiisadda weli u dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama xukuumadda Hargeysa ay dhowr jeer dhaliilo u soo jeedisay dowladda federaalka, taas oo la xiriirta dagaalka ka socda gudaha Laascaanood.