Madaxweyne Qoor Qoor oo shir muhiim ah kusoo xiray Dhuusamareeb + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray Shirka Madasha Barnaamijka Xasilinta & Soo kabashada oo diiradda lagu saarayay deegaannada la xoreeyay.

 

Shirkan oo Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-U heshiinta Dowladda Galmudug, ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay taabba gelinta shirkan.

Madaxweynaha ayaa si kooban u qiray horumarka iyo howlaha hortabinta leh ee ka socda dhammaan deegaannada la xasiliyay ee kol hore laga xoreeyay cadawga Khawaatijta ah, isagoo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xoreynayo deegaanada Galmudug dib loo bilaabayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka inay sare u qaadaan Kaalmada Barnaamijka horumarinta iyo Xasilinta Galmudug, asagoona uga mahadceliyay dhammaan howlaha laga hirgaliyay Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa shirar doceedyo la yeeshay Saraakiil ka socotay Safaaradda UK iyo USAID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here