Madaxweyne Qoor Qoor oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay war cusub kasoo saaray dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe ee dalka..

 

Qoor Qoor ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay dhiigga dadka shacabka ee ku daadanaya colaadaha ka taagan gobollada Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalladaas ay hurinayaan siyaasiyiin dano gaar ah, isaga oo ku eedeeyay inay iska horkeenayaan bulshada deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa farriin culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ugu baaqay in xabadda joojiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida.

”Siyaasiyiin dano gaar ah ay leeyihiin ku rati kacsanaya ayaa ina haya, dagaaladii maalmahan Galmudug iyo Puntland dad kasoo kala jeeda dhexmarayay, macno darada iyo aakhiro seega dadkeygow iska daaya” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug.

Gobollada ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo lagu hoobtay, kuwaas oo dhex-maray maleeshiyaad qabaa’il ah oo ku sugan gobolladaasi, waxaana haatan soconayo dadaalo ay wadaan maamullada Galmudug iyo Puntland oo looga hortagayo dagaal beeleedyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here