Madaxweyne Saciid Deni oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow soo gaaray Muqdisho, iyada oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka oo saacadaha soo socda ka furmaya gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here