WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu amray in Militeriga dalkiisa uu fuliyo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalama buuraha Cal-Miskaad ee maamulka Puntland.
Trump ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay in duqeynta ay ahayd mid si gaar ah looga bartilmaameedsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish oo uu ku jiro shaqsi maleega weerarada, oo khatar ku ah ammaanka Mareykanka iyo xulafadiisa.
“Waxaan beegsanay iyagoo ku dhuumaalaysanaya godad, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo xulafadeena,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray hadalkiisa “Duqeymadu waxay burburiyeen godadkii ay ku jireen, waxaana lagu dilay xubno badan oo argagixiso ah iyadoon cid shacab ah ay waxba ka soo gaarin.”
Hadalka Trump ayaa yimid waxyar kadib markii dhowr duqeyn Maanta ka dhacday Buuraha Cal-Miskaad, oo tan iyo bishii December ay Ciidamada Puntland kula dagaalamayeen Daacish, waxaana howlgalka Mareykanka uu noqonayaa kiisii ugu horeeyay tan iyo markii meesha ka baxay maamulkii Biden oo duqeymo badan ka fuliyay Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay.
Mareykanka ayaa si joogto ah ugu fulinayay duqeymo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo lagu dilay xubno iyo hogaamiyaal kamid ahaa labada koox.
Duqeymahan ayaa la sheegay inay sii xoojiyeen dadaallada Mareykanka ee looga hortagayo falalka argagixisada ee ka dhaca gobolka Geeska Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow ula shaqeysa Mareykanka iyo xulafada caalamiga ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish si loo xoojiyo nabadgelyada iyo sidii loo sugi lahaa amniga dalka. Mareykanka ayaa dhowr boqol oo askari waxay ka joogaan dalka Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday Trump inuusan ka saarin dalka si lamid ah 2020-kii.