Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq midnimo ah u diray dadka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) -nMadaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Salaadda Jimcaha uga hadlay muhiimada midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta ummadda.

 

“Waa nasiib darro in bulshadeenna Soomaaliyeed lagu kala qeybiyo hadallo kala qoqobaya. Colaadda afka laga abuuro waxay keeni kartaa dhiig daadin, waxayna dhalin kartaa nacayb iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda, taasoo cadowga farxad gelinaysa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa intaa ku daray in dowladda ay horumar ballaaran ka sameysay deegaano badan oo la gaarsiiyay adeegyo muhiim ah sida dugsiyo iyo xarumo caafimaad, hase yeeshee uu ka digay in kala qeybsanaanta bulshada ay dhaawici karto horumarkaas, isla markaana ay xoojin karto damaca cadowga.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin sharaf ku jirta in qof Soomaali ah la aflagaadeeyo, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo hadallada xun-xun, maadaama ay kaliya xumaan keeni karaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in si buuxda loo fuliyo go’aanka xukuumadda ee la xiriira la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah. Wuxuuna ku booriyay dadka arrintan ku lugta leh inay u hogaansamaan awaamiirta dowladda, isaga oo ka digay in hay’adaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hortimaada go’aankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here