Madaxweyne Xasan oo dalacsiiyay taliyaha shaqada kasii tegaya ee Booliska + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ku qabsoontay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin.

 

Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka, isaga oo ku adkeeyey ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada;- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here