Madaxweyne Xasan oo ka qayb-galay xuska aas-aaska Ururka EAC + Sawirro

0

ARUSHA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Urur goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha bulshada Bariga Afrika, taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here