Madaxweyne Xasan oo la kulmay aqoonyahano shir ku yeeshay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah  Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

 

Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here