Madaxweyne XASAN oo sagootiyey dhaawacyadii Hotel SYL, una baxay safar

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiiyay 19 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ka geystay Hotel SYL ee magaalada Muqidisho.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhankiisa sheegay in dhaawacyadan loo qaaday dalka Turkiga halkaasna dabiibid caafimaad loogu sameyn doono.

Dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole iyo saraakiil, sida uu shaaciyay wasiirka.

Weerarka Hotel SYL oo ku billowday qaraxyo, kadibna ay xigeen rag hubeysan oo gudaha u galay hoteelka, kana dagaalamay saacado badan ayaa dhaliyay tuhun oo ka dhashay sida ay ku gaareen goobtaas oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda, kuna yaallaan baro koontarool oo laga sugo amniga guud ee madaxtooyada qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here