Madaxweyne Xasan oo war culus kasoo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya aya kulan ku yeesheen Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in codsi uu uga yimid Dowladda Turkiga, taasi oo ku aadan wada-hadalka Itoobiya.

Wuxuu sheegay in caawa ay kulmeen labada wasiir islamarkaana aysan jirin wax heshiis ah oo labada dhinac ay gaareen.

Wajiga labaad wada-hadalka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo 2 bisha September sannadkan, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here