Madaxweyne Xasan oo xiisadda taagan kala hadlay Ururka Midowga Yurub

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell, isaga oo kala hadlay arrimo ku xaadan xiisadda taagan ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Xasan Sheekh ayaa adkeeyay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula ciribtirayo Al-Shabaab, waxayna adkeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay, waxaana fashil kusoo dhammaaday wada-hadallo ay horay laada dal ugu yeesheen dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here