Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan qado sharaf ah ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka, kuwaas oo ka ajiibay gogoshii wada-tashiga ee ay Xukuumaddu fidisay 19-kii Janaayo 2026.
Kulankan qadada ah ayaa hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran, oo ay Xukuumaddu u qorsheysay in looga arrinsado xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan
Doorashooyinka dalka,Midnimada iyo wadajirkashacabka,Soomaaliyeed,Abaaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo iyo La dagaallanka kooxda Al-Shabaab
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo wakiillo kala duwan oo ka socday Golaha Mustaqbalka.
Qadada sharafkan ayaa loo arkaa tallaabo hordhac u ah madal si rasmi ah loogu dhageysan doono loogana doodi doono tabashooyinka mucaaradka ku mideysan Madasha Mustaqbalka, iyadoo la xoojinayo jawi wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.





