Xasan Sheekh oo sheegay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Al-Shabaab iyo suuragalnimada wada-hadal lala furo.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay diyaar u tahay wada-hadal lala furo Al-Shabaab, si wax kasta loogu dhameeo miiska wada-hadalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here