Qaahira – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, caasimadda Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa, Mudane Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah, waxayna ka qeyb qaadan doonaan shir jaraa’id oo wadajir ah.







