MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey Inuu noqdo U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.
Cali Jeyte Cismaan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo sida kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo door weyn ku leh dagaalka Al-Shabaab dalka looga xoreynayo.
Ninkan ayaa si gaar ah loogu xasuustaa hoggaaminta gulufkii dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda.
Si kastaba, Soomaaliya waxaa ka socda dagaallo culus oo lagu qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn, marka la eego deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.