MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka dhex taagan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladdu ku talo gashay, kaasoo ku saleysan nidaamka qof iyo cod.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xubnaha mucaaradka aysan mideysneyn, islamarkaana ay ka dhex jirto kala qeybsanaan ku saabsan ajandayaasha siyaasadeed iyo aragtidooda ku aaddan dowladda dhexe.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in Madasha Samatabixinta aysan la imaan mowqif mideysan, taasoo muujinaysa in mucaaradka aysan weli ka dhisnayn aragti siyaasadeed oo isku duuban.
“Xilligii aan mucaaradka ka mid ahaa, waxaa jirtay xaalad la mid ah tan maanta taagan. Marna ma jirin wax heshiis ah oo mucaaradku ku mideysnaa. Marka, looma baahna in laga sugo hal mowqif oo mideysan,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka uu u baahan yahay in laga gudbo siyaasadda shakhsiyadeed ee koox-kooxda ah loona wareego nidaamka xisbiyada siyaasadeed. Wuxuu xusay in xisbiyadu ay leeyihiin mabda’a la og yahay iyo qorshayaal siyaasadeed oo cad, taasoo u fududeyn karta shacabka in ay si xor ah u doortaan cidda hogaamineysa.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo ay fashilmeen wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta.
Warar soo baxay ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay ku kala jabeen qodobbadii wadahadalka, taasoo sii adkayn karta isfaham la’aanta siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorasho ee dalka.
Waxaa la filayaa in dowladda iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ay sii wadaan dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka, si dalka ugu gudbo doorasho ku saleysan nidaam dimuqraadi ah oo lagu kalsoonaan karo.




