Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo si weyn loogu qabtay garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay macallimiinta Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka iyo dhisidda jiil waxbartay oo dhisi kara mustaqbalka Soomaaliya.
“Dalka waxaa ugu qiimo badan macallinka iyo askariga Soomaaliyeed. Waa waajib in la maamuuso oo la taageero macallinka, waayo waa laf-dhabarta horumarka bulshada,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo faray Wasaaradda Waxbarashada in ay dhammaystirto shaqaaleynta tiradii ka dhiman ee 10,000 macallin, maadaama 6,000 horey loo qaatay oo hadda ka howlgala dugsiyada dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in la xoojiyo tayada macallimiinta, kor loo qaado tababarada iyo aqoontooda, si waxbarashada Soomaaliya ay ula jaanqaado heerarka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada inay u diyaargaroobaan hogaaminta dalka maanta iyo berriba.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha waxbarashada, macallimiin iyo arday ka kala socday dugsiyo badan oo caasimadda ah, kuwaas oo soo bandhigay barnaamijyo loogu dabaaldegayey maalinta macallinka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa lagu guddoonsiiyay billad sharaf ay bahiida waxbarashadu ku maamuuseen, isaga oo ku bogaadiyey macallimiinta sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo dadaalkooda joogtada ah xilli uu dalka soo maray duruufo adag.



