Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay William Ruto

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane William Ruto.

 

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xasan Sheekh iyo William Ruto ayaa isla soo qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, maadaama ay Kenya ay qayb ka tahay.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Kenya kala hadlay qorshaha bixista ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u booqday dalalka Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo iyaguna ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay bixista ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here