Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daah-Furay Xarunta Sirdoonka Militeriga Soomaaliya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo si casri ah loo dhisay si kor loogu qaado awoodda difaaca iyo sugidda amniga qaranka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xarunta ku tilmaamay astaan muujinaysa dadaalka dowladda ee dib-u-dhiska hay’adaha amniga, isagoo xusay in xaruntu ay qalabeysan tahay tiknoolojiyad sare oo sare u qaadaysa tayada qorsheynta istaraatiijiyadeed iyo hawlgallada ciidamada.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed juhdiga ay ku bixiyeen horumarinta awoodda milateri ee dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarka laga gaaro difaaca uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.

Markii uu xarunta daahfuray kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho kormeer ah ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga shacabka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ciidamadu guulo waaweyn ka gaareen islamarkaana jab culus gaarsiiyeen kooxaha xagjirka ah.

Dowladda Federaalka ayaa sannadihii u dambeeyay xoogga saartay dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo xoojinta ciidamada, iyadoo la doonayo in si buuxda loo sugo amniga dalka oo muddo dheer ay saameeyeen colaado iyo falal argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here