Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Culimada Soomaaliyeed + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka.

 

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid  ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid ay tahay in la wada qay-qaato, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here