JABUUTI – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.
Jabuuti ayaa ciidamo ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa, oo hadda loo bixiyay AUSSOM, iyadoo lagu bedelay howlgalkii hore ee ATMIS.
Dhowr jeer oo hore ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh booqday Jabuuti, oo dalalka kale ee Geeska Afrika, isagoo taageero u raadinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.