Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaarey dalka Jabuuti

0

JABUUTI – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

 

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa salka ku haysa aragti wadaag ku saleysan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmi doona, dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka arrinsan doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Jamhuuriyadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here