Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Jaamacadda Ummadda

0

Muqdisho, Sebtembar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taasoo ah jaamacadda ugu weyn ee dowladda dhexe leedahay.

 

Magacaabistan ayaa timid iyadoo la tixgelinayo khibradda dheer ee uu Dr. Maxamed ku leeyahay dhinacyada tacliinta sare iyo maamulka waxbarashada. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay in Guddoomiyaha cusub uu door muuqda ka ciyaaro dib-u-dhiska iyo horumarinta Jaamacadda Ummadda, taasoo muhiim u ah kobcinta aqoonta dalka.

“Waxaan u rajeynayaa Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed inuu waajibaadkiisa u guto si xilkasnimo leh, islamarkaana uu u guntado horumarinta tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe dib u bilaawday howlaheeda kadib burburkii dalka, iyadoo hadda la dareemayo kobac iyo ballaarin dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin dib u habeyn manhajka, kor u qaadidda tayada macallimiinta iyo xoojinta cilmi-baarista.

Magacaabista Dr. Maxamed ayaa la filayaa in ay sii dardargeliso dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo waxbarashada sare ee dalka, taasoo kamid ah tiirarka siyaasadda dowladda ee “Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis la Ah.”

Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa horey u soo qabtay xilal aqooneed iyo maamul sare, waxaana lagu yaqaannaa dadaal, karti iyo aragti dheer oo ku aaddan dib-u-dhiska nidaamka waxbarasho ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here