Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadda Muslimiinta caalamka.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta in laga aqbalo cibaadooyinkii ay guddeen bishii barakaysnayd ee Ramadan,soonka, salaadda, sadaqada iyo camallada kale ee khayriga ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto casharradii iyo akhlaaqdii wanaagsaneyd ee laga bartay bisha Ramadan, si loo xoojiyo midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
DAAWO




