MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doodaha ka taagan lacagaha caanshuuraadka ee laga qaado ganacsatada iyo bulshada kale ee ku nool caasimadda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashiinka dhaqaajinaya dowladda in ay tahay lacagaha caanshuuraadka ee laga qaado dadka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed loona baahanyahay in ay bixiyaan.
Majirto ayuu yiri cid loogu naxariisanayo Caanshuurta isaga oo sheegay in cidii bixisaa Caanshuurta in ay ka badbaadyso in la xiro.
Dadka xabsiyada la geeyo waxa uu sheegay in ay yihiin caanshuur diid, isaga oo xusay in ciidamada Sugaya amniga Muqdisho ay ku nool yihiin lacagaha caanshuuraadka ee laga qaado Bulshada.
Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan doodo la xiriira arimaha caanshuuraadka kuwaasi oo ah kuwo xad ka bax ah oo xargaha goostay ganacsatadana gaarsiisay heer ay banaanka yimaaadaan oo ay ka hadlaan culeyska caanshuurta.