Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay caleema-saarka Ordogan + Sawirro

0

ANKARA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay.

 

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.

DHAMMAAD

ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: Turkish President Recep Tayyip Erdogan gives a speech during his inauguration ceremony at the Presidential Complex in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Murat Kula – Anadolu Agency )
ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: Turkish President Recep Tayyip Erdogan (2nd L), Emine Erdogan (L), President of Uzbekistan Shavkat Mirziyoyev (2nd R) and MHP Leader, Devlet Bahceli (R) are seen during the inauguration ceremony of the Turkish President Erdogan in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Mustafa Çiftçi – Anadolu Agency )

Cumhurbaşkanı Recep Tayyip Erdoğan’ın, Cumhurbaşkanlığı Külliyesi’nde düzenlenen “Göreve Başlama Töreni”nine iştirak eden katılımcıları Dışişleri Bakanı Mevlüt Çavuşoğlu karşıladı. ( Emin Sansar – Anadolu Ajansı )

ANKARA, TURKIYE – JUNE 03: A general view of guests as they attend a dinner at Cankaya Mansion after the inauguration ceremony of the Turkish President Recep Tayyip Erdogan in Ankara, Turkiye on June 03, 2023. ( Mustafa Kamacı – Anadolu Agency )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here